Dugsiga Hoose dhexe ee god'aalo ayaa maanta si rasmi ah
Xadhiga oga jaray Wasiiro iyo Isimada Deegaanka oo ka
hadlay
(Goda'ala,
October 10,
2010 Ceegaag Online)
Iskuulkan
waxaa hirgaliyay qurbajoogta beesha wacays maxamud (cumar
wacays)
Munaasibad balaadhan oo loo qabtay furitaanka iskuulka hoose
dhexe ee Goda'alo ayaa Waxaa ka soo qayb galay Wafuud badan
oo ay kamid yihiin wasiirka madaxtooyada iyo maamul wanaaga
puntland maxamed Faarax Ciise (Gaashaan), Kusimaha wasiirka
wasaarada waxbarashada ahna wasiir ku xigeenka wasaarada
waxbarashada puntland Cabdiraxmaan diiriye Carab,
Gudoomiyaha Gudiga Siyaasada iyo xidhiidhka caalamiga ah ee
golaha wakiilada puntland xildhibaan Faarax jaamac Goox.
Dugsigan
Godaalo ayaa si rasmi ah waxaa xadhiga uga jaray kusimaha
Wasiirka Wasaarada waxbarashada Puntland ahna wasiir ku
xigeenka wasaarada waxbarashada,
Ugu
horeyntii Waxaa ka hadlay Xaflada Furitaanka Schoolka
God'aalo Maamulaha Schoolka, Wuxuuna umahadceliyay Hayada
usuura galisay dhismaha Schoolka God'aalo iyo wufuudii
Balaadhnayd ee ka soo qaybgashay Xaflada God'aalo School,
wuxuuna balan qaaday inay soo saari doonaan arday tayo sare
leh oo waxbarasho leh.
Sidoo
kale waxaa ka hadlay Gudoomiyaha God'aalo iyo Walidiinta
god'aalo oo ku tilmaamay furitaanka dugsiga hoose dhexe mid
Taariikhiya ayna abaal ugu hayaan Hayada IRFAN CANADA,iyagoo
ka codsaday Dawlada Puntland in Taageeradooda ay
labanlaabaan,
Dhanka
kale waxaa ka hadlay Siciid cabdi ducaale(Siciid Elji) oo ku
hadlayay Magaca Qurba jooga God'aalo iyo hayada IRFAN
CANADA,ayaa waxaa sheegay in aad ugu faraxsanyahay in ay
maanta ay yeelatay God'aalo School Tayadiisu sareyso,wuxuuna
aad ugu mahadnaqay Siday Dadka deegaanku gacan oga siyeen
Hir galinta schoolka.
Gudoomiyaha waxbarashada ee gobolka sool maxamuud jaamac
dalmar (Ina Baadari) oo ka warbixiyay marxaladihii kala
duwanaa iyo dadaalo badan oo ay sameeyeen si maruun loo furo
iskuulkan aysan suuro gelin,Balse uu sheegay in uu ku
faraxsanyahay in uu maanta ka qayb qaato Furitaankan
Schoolka God'aalo.
Waxaa
isna dhankiisa ka hadlay Kusimaha wasiirka waxbarashada
ahna wasiirku xigeenka wasaarada Waxbarashada puntland
Md:Cabdiraxmaan Diiriye Carab, oo sheegay inay aad ugu
faraxsanyihiin in ay ka soo qayb galaan Schoolka Laga
furay god’aalo isagoo Sheegay in aysan waxba ka hagran
doonin,
Waxaa
kale oo uu ku waniyay Shacabka God’aalo inay waxbarsahda
dugsiga hoose dhexe ee maanta loo furay Ay ku dadalaan
Sidii ay u kafaalo qaadan lahayeen Macalimiinta Ardayda
wax udhigaysa, wuxuuna ku booriyay in jaaliyadaha God’aalo
ay ka qayb qaataan wax kasta oo lagu horumarinayo
God’aalo,isagoo ku boorinaya Jaliyada God’aalo wasiirku
xigeenku ayaa waxaa uu yiri “ Reer godaalow Wasaarada
waxbarashada Puntland waxa ay Qaban karto waa wax
xadidan,waxaa masuuliyada uweyn laga rabo Waa qurba joogto
u dhalatay god'aalo iyo dadka Deegaankaba".
Wasiirka
madaxtooyada iyo dawlad wanaaga puntland md:Maxamed Faarax
Ciise (gashaan),isagoo Sheegay in god'aalo ay ubaahneyd
School Tayadiisu sarayso,aadna ugu faraxsanyahay in uu
maanta Goobjoog ka ahaado Schoolka God'aalo oo xadhiga laga
jarayo,dhanka kale waxaa uu balan qaaday in ay wax la qaban
doonaan Inta Karaamkoodu yahay.
Gaba gabadiina waxaa Soo
xidhay Xafladii Garaad Cabdisalaan Xasan maxamed isagoo
tilmaamay in loo baahan yahay in qurba joogta deegaanada
God’aalo ay ku dadaalaan horumarka dalkooda,Isagoo
maamulka Puntland uu ka codsaday In ay God'aalo in ay ka
cawiyaan Cafimaadka,waxbarashada,biyaha iyo Wadooyinka
dayactir lagu sameeyo.
Daawo Sawirada
Cali
dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |