shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Miisaaniyadii BBC da oo ladhimay Galaafatayna dhamaan madaxyada laamihii dibadaha

(London, October 26,  2010 Ceegaag Online)

Ka dib markii hoos loo dhigay miisaaniyadii laanta afka dheer ee BBC da ayaa waxaa xilalkii laga xayuubiyay dhamaan madaxyadii laamaha dibadaha sida tii afsoomaaliga halkaasoo laga dhigay madixii laanta Yuusuf Garaad inuu ka mid noqdo shaqaalaha laanta uun.

Dhinaca kale laba shaqsii oo ingiriis ah ayaa madax looga dhigay laamihii kusoo bixi jiray afafka Afrikaanka iyo Aasiyaanka.

Laanta afka Soomaaga ee BBC da ayaa ah laan dadku aad u dhagaysto maadaama ay meesha ka baxday idaacadii qaranka ee Soomaaliya, lama oga in la dhimi doono shaqaalaheeda balse dibu habayntan ayaa la filayaa inay keentay miisaniyada wadanka Ingiriiska oo hoos u dhacday kadib suuqxumi soo food saarta dhaqaalaha Dunida.

www.ceegaag.com
 

webmaster@ceegaag.com