Shirkii
Nugaal University iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka
Minnesota (Daawo).
(Minneapolis, October 31,
2010 Ceegaag Online)
Shirka
waxaa ka soo qayb galay dadyow badan oo ku kala nool gobalka
Minnesota magaalooyinka uu ka kooban yahay. Prof. Abdirisaaq
Mohamud Darawal oo mudo dheer macalim ka ahaa jaamacad ku
taal Gobalka Atlanta George ee dalka Maraykanka. Koldhowna
booqasho ku tagey Jaamacadda Nugaal ee gobalka Sool.
Casharana ka soo bixiyey jaamacadda ayaa wuxuu ahaa isku
dubaridaha iyo xidhiidhiyaha shirka.
U
jeedada shirku wuxuu ahaa in la taageero jaamacadda Nugaal
ee Laascaanood. Sidoo kale shirka waxaa lagu soo dhawaynayey
Prof. Abdirizak Maxamed Aaden (Lafoole) oo ah
gudoomiyaha jaamacadda Nugaal, isla markaana bare sare ka ha
Kulliyadda Tababarka Macalimiinta Garowe (GTEC).
Ugu
horayn, shirka waxaa wacdi iyo aayado quraan ah ku furey
Sheikh A/qadir Cas Case oo dadka ku waaniyey inay taageeraan
mashaariicda waxbarashada iyo horumarka meel kasta oo ay ka
jiraan. Sheikh Case Case wuxuu khudbadiisa ku xusay inay
dadka ugu khayr badan yihiin, kuwa isku baahaysta, wanaag
inay ka wada shaqeeyaan, dadka dhexdiisa maslaxad inay
dhigaan iyo sadaqada oo lagu bixiyo meelaha khayrka ah sida
waxbarasahda.
Haji
Ali Ahmed Geele oo ka mid ah odayada magaalada
Minneapolis,
isla markaana ah bare ka dhiga mid ka mid ah schoolada ku
yaal magaalada
Minneapolis ayaa halkaas ka soo jeediyey hadal kooban oo soo
dhawayn ah. Haji Ali wuxuu halkaasku soo dhaweeyey dhammaan
marti sharafkii ka soo qayb galay shirka. Sidoo kale wuxuu
duco iyo mahadnaq u soo jeediyey A/risaaq Lafoole. Wuxuuna
dad waynihii shirka ka soo qayb galay ku dhiiri geliyey inay
taageeraan isla markaana waxqbad la taaban karo ka gaystaan
jaamacadda Nugaal ee gobalka Sool.
Abdulqaadir Cadow oo ah aqoonyahan u shaqeeya xafiiska
daryeelka ee dawladda maraykanka isla markaana ah siyaasi
taageera xisbiga dimuqraadiga dawladda marayka ee talada
wadanka haya. Ayaa halkaas ka soo jeediyey, hadalo dhaxalgal
ah oo nuxurkoodu ahaa in waxbarashadu ay tahay tan keliya ee
qofka jahliga ka xorayn karta horumar waarana u horseedi
karta. Cadow, wuxuu dadwaynihii shirka ka soo qayb galay ku
booriyey inay ka wada qayb qaataan taageerida jaamacadda
Nugaal.
Dr.
Saeed Fahiye oo ah director of Somali Confederation
Community in Minnesota. Horeyna u ahaan jirey Associate Dean
of college of education Lafoole. Ayaa ku dheeraaday
faa’iidada waxbarashadu aadamaha u leedahay iyo siday
mugdiga uga saarto. Dr. Fahiye waxuu xusay inay waajib ku
tahay muwaadiniinta reer
Minnesota
inay ka qayb qaataan dib u dhiska dalkii hooyo ee burburay.
Isla markaana wuxuu xusay in sida keliya ee dib loogu dhisaa
karaa dalkii inay tahay in dadka wax la baro, lagana qayb
hawl-galaa ku aadan tacabka iyo tayeynta tacliinta sare sida.
Prof.
Abdirisaaq Lafoole,
oo ahaa marti sharaf horey u ahaan jirey reer Minnesota
balse sanadihii danbe u badnaa ka qayb qaadashada arimaha
waxbarashada ee dalkii hooyo ayaa halkaas ka soo jeediyey,
warbixin dheer oo taabanaysa dalka Somaliya oo dhan, gaar
ahaan arimaha waxbarashada ee ka jira guud ahaan gobalka
Sool. Mr. Lafoole, waxuu xusay in waxbarashadu tahay aaladda
lagu bedalo qaab fekerka qofka bani’aadamka. Waxuuna
hadalkiisa ku soo gabagabeeyey doorka looga baahan yahay
qurbajoogtu inay ka qaataan arimaha waxbarashada iyo
tayeynta tacliinta sare.
Mohamed Hassan Mohamud (Abgaaloow) oo bare sare ka ah mid ka
mid ah schoolada ku yaal Minneapolis ayaa ku dheeraaday inay
reer Minnesota iyo jaaliyadda waajib ku tahay inay is garab
taagaan isla markaana ka qayb qaataan arimaha waxbarashada,
gaar ahaan arinkan maanta la isugu yimid ee ah taageeridda
jaamacadda Nugaal ee gobalka Sool.
Dadwaynihii shirkaas isugu yimid waxay isku raaceen inay
tiro arday ah ka bixin doonaan qarashka jaamacadda, si loo
helo arday badan oo ku soo xidhanta jaamacadda waxna ka
barato. Sidoo kale waxay isku raaceen inay sii wadi doonaan
taageerada jaamacadda. Waxay sidoo kale Abdirisaaq Lafoole
ka codsadeen inuu sanadkii mar booqasho ugu yimaado. Si uu
ula socodsiiyo xaaladda waxbarasho ee ardayda iyo horumarka
ay samaysay jaamacaddu sanad walba.
Ugu danbayn, waxaa madashii shirka soo gunaanaday, dadkiina
ku booriyey una duceeyey Sheikh Sacad oo ah nin Minnesota ku
can ku ah inuu ka shaqeeyo arimaha bulshada iyo nabadaynta
dadka wada degan gobalka Minnesota iyo guud ahaan maraykan.
Xigasho: Boocame
webmaster@ceegaag.com |