Siminaar dheer oo loogu talo galay Xoojinta tayada
macalimiinta ee dugsiyada Hoose Dhexe oo laga bilaabay
Buuhoodle.
(Buuhoodle,
October 12,
2010 Ceegaag Online)
Siminaar dheer oo loogu talo galay Xoojinta tayada
macalimiinta ee dugsiyada Hoose Dhexe afka qalaadna lagu
yidhaahdo (stragtanin for the campasity of teacher treaning)
ayaa laga bilaabay magaalada Buuhoodle markii u horeesay.
Dugsiga sare ee samatar Baxnaan ee Magaalada Buuhoodle
Waxa lagu Qabtay Xaflada balaadhan oo tababar loogu
furayey Macalimiinta Waxa ka dhiga Dugsiyada Hoose Dhexe
ee gobolka Cayn Tababarkaasi oo loogu talagalay in Kor
loogu Qaato tayada Macalinka isla markaana lagu Xoojiyo
Aqoonta macalinku uu leeyahay, si uu ardayda uu Macalinku
Wax u dhigayo u Heli Waxbarasho tayeysan isla markaana
Macalinka loo bararo Qaabka Wax ardayda loogu fahansiinayo,
Waxana Munaasabadi ka soo Qayb galay Gudoomiyaha gobolka
Cayn iyo Waxgarad kale.
Barmaamijkani Xoojinta Macalintii lagu tayeynayo ayaa
loogu Magacdaray(SCot IPS) Waana barmaami somalia ka
bilaabay sanadii 2006 oo horay looga Qabtay Gobolada
puntland haatan soo gaadhay gobolka Cayn, barmaamjikaasina
Xoojinta Macalimiinta ayaana soconaya Mudo labo sano ah
Waxana Barmaamjikaasi fulinaysa Kuliyada tababarka
Macalimiinta (GTec) ee Magaalada garoowe Waxana dhinaca
dhaqaalaha ka taageeraysa ha,yaha kala ah Diakonia iyo
save Childen ee Saldhiyada ku leh Magaalada Garoowe.
Maamulaha Kuliyada Tababarka Macalimiinta(GTEC) Profaysar
C/risaaq Axmed shoole ayaana sharaxaad dheer ka Bixiyey
tababarka Lagu Xoojinayo Macalimiinta Xiligii uu ka
Bilaabay somalia iyo Waxyaabaha uu macalinku ka
faaiidaysanayo tababarkaasi inta uu soconayo, Waxaana
halkaasi uu ka soo Jeediyey Khudbad balaadhan oo
tabarkaasi sharaxaad dheeraad ah kaga bixinayo.
Siminaarkan ayaa waxaa horay loogu qaban jiray magaalada
Laascaanood balse hada loosoo wareejiyay magaalada Buuhoodle.
Siminaarkan ayaa sidiisaba waxa uu yahay in lagusoo saaro
macalimiin tayo ay ugu gudbiyaan ubadka soo koraya
aqoontooda leh. Dhinaca kale Siminaarkan waxa uu socon
doonaa mudo Labo sanadood ah markaasoo macalimiinta ka qayb
qaadanasa lagudoon siin doono shahaadooyin ay dalka
Soomaaliya gabi ahaan ba wax uga dhigi karaan.
Badanaa Macalimiinta ka qayb qaadanasa Siminaarkan ayaa waxa
ku jira kuwo horay uga soo qalin jabiyay Jaamacadii
Lafoole oo tayadeeda wax barasho ay hayd mid aad u saraysa.
Gabo gabadiina Waxaa halkaasi hadalo ka soo Jeedinyey
Gudoomiyaha gobolka Cayn Xariir Maxamuud Axmed Qaarkamid
ah Waxgaradka Deegaanka Buuhoodle oo sheegay inay aad ugu
faraxsan yihiin Barmaamijkani Xoojinayo tayada Macalinka.
Kalmadii Cabdinuur
Maxamuud
Dhagayso
Kalmadii Cabdirisaaq Shoole
Dhagayso
Gudoomiyaha Gobolka Cayn
Xariir Maxamuud Axmed
Dhagayso
Kalmadii Maxamuud Cumar
Cigaal
Dhagayso
Kalmadii Axmed
Cabdi Guray
Dhagayso
Daawo Sawirada Macalimiinta
siminaarka fadhiday
Cali Dhegjar
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |