Warbixin xaalada waxbarashada ee degmada Ceegaag Dugsiga Hoose dhexe ee Ceegaag.
(Ceegaag, October 20, 2010 Ceegaag Online)
Wararsiga Maamule Kuxigeenka Dugsiga Hoose Dhexe ee Magaalada Ceegaag Maxamuud Faarax Jaamac(Garaar) Dhagayso
Maamule Kuxigeenka Dugsiga Hoose Dhexe ee Magaalada Ceegaag
Maxamuud Faarax Jaamac(Garaar) ayaa shabakada Wararka
Ceegaag.com u sheegay in Dugsigu Waxbarashadiisu haatan
tahay Mid heer Wanaagsan maraysan isla markaana ardayda ay
kala marayaan fasalada Koobaad ilaa afraad oo iskuulka
Haatan Heerkaasi marayo, Waxana kaloo uu sheegay in ay
jiraan dad farabadan oo ka faaiidaysta Waxbarashada oo u
badan dadka Waa Wayn oo iyaga loo dhigo Galabtii, Waxana
kaloo uu Maamulayashu intaasi Raaciyeen in haatan Dugsiyada
ay ka bateen Aradyada doonaysa in Wax loo dhigo iska
markaana ay ardaydu ku fadhiyaan Dhulka sibidhka ah Waxayna
ugu baaqeen Jaaliyada Beesha Ceegaag inay Arimtaasi gacan
lixaad leh ka gaysteen.
Gabi ahaanba Waxbaarshada Degmada Ceegaag ayaa haatan
Gaadhay Halkii ugu saraysay Waxana Degmada Waxbarasheeda ka
faaiidaysta Arday farabadan oo ka kala yimid deegaanada Hoos
yimaada Magaalada Ceegaag Kuwaasi oo Degmada Ceegaag ka
helay Waxbarasho tayeysan, Waalidiinta Ardaydaasi dhalay
ayaana Mahad Celin u Jeediyey Dhamaan Qurba jooga Degmada
Ceegaag oo hirgaliyey gabi ahaanba Dugsiyada Waxbaarshada ee
Ceegaag, iyo Qaybaha kale ee dhinacyada Dhismaha Isbitaalka
Ceegaag Dhisamayaasha Xarumaha lagu Barto Barashada Diinta
Islaamka oo Ceegaag laga Hirgaliyey ugu yaraan 3 Malcaamadoo
oo ku kala yaala Labada magaalada ee Ceegaag ka kooban tahay.
Waxayna Degmada Ceegaag Maanta ka hurumartay Degmooyin
tuulooyin badan oo laga Hor dhisay Waxana Dadaalkaasi Xoogan
Muujiyey Qurbaha Jooga Beesha Ceegaag oo Ilaahay Gacan ka
helaya iyagoona dhaqaalohooda u huray Horumarka Degmada Ceegaag
oo Maanta Tiigsanaysa Gobol.
Daawo Sawirada