Xukuumada Maamulka Somaliland iyo Taliska Booliska oo soo
bandhigay Hubkii iyo Waxyaabaha Qarxa oo farabadan
(Hargaysa,
October 03,
2010 Ceegaag Online)
Ciidamada Amaanka ee Maamulka
la magacbaxay Somaliland ayaa maanta soo bandhigay Hub
badan oo isugujira Hoobiyeyaal,Qoryaha Baasuukayaasha
ah,Bambooyinka Waaweyn ee dhulka lagu aaso & kuwo gacanta
laga tuuro kuwaas oo ay kasoo qabqabteen Sadexda Magaalo
ee ugu waaweyn maamulkaas islamarkaasna la qorsheynayey in
lagu weeraro xarumo kaladuwan ee Maamulka somaliland ku
leeyahay gobolada Maamulkaasi ka taliyo.
Soo bandhigitaankii Hubkaasi
ayaa Waxaa goob joog ahaa Wasiirka Daakhiliga Dr. Maxamed
Cabdi Gaboose, wasiirka Warfaafinta Cabdulaahi Jaamac
Cusmaan (Geeljire) iyo Taliyaha Booliska Mr. Cilmi Rooble
Furreh (Kabaal) warbaahinta u soo bandhigay hub, walxaha
qaraxyada loo adeegsado iyo waxyaabo kale oo fulinta falal
amni-darro lala damacsanaa, waxay sheegeen in waxyaabahan
lagu qabtay hawgalo laga fuliyay magaalooyinka Hargeysa,
Berbera iyo Burco. "Waxaanu isugu kiin yeedhnay (warbaahinta),
waxa halkaa yaalaa waa wax wada tusaale ah oo uu Boolisku
ku qabtay hawlgaladii cuslaa ee ay ku qabteen Burco iyo
gobolada kale ee Maamulkaasi ka taliyo.
Dadwaynaha ku dhaqan gobolada
Maamulka somaliland ka taliyo ayaa haatan Waxaa la soo
Gudboonaaday Cabsi Xoogan oo dhinaca amaanka ah, Waxana
labadii Bilood ee la soo dhaafay Xukuumada Madaxwayne
Siilaanyo soo Wajahay Caqabado Xoogan oo dhinaca amaandaro
ah oo gobolka hadhaysay,
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |