Gebremeskel oo kasoday
dalka Ethiopia ayaa si Dirqi uga Badiyay Mo Farah
orodka 3000 ee ciyaaraha New Balance Indoor Grand Prix
oo ka dhacay Boston, USA
(Boston,
February 06,
2011 Ceegaag Online)
Mo
Faarax oo hogaanka hayay ilaa laga soo gaadhay Nus Wareegii
u danbeeyay.
Waxaa maanta oo Sabtiya kadhacay garoonka ciyaaraha ee
Reggie Lewis Center ee magaalada Boston ciyaaraha loo
yaqaano New Balance Indoor Grand Prix. Ciyaarahan oo
aalaba ah orod iyo qori ku bood waxay bilaabmeen saacadu
markay ahayd 6:10PM saacada bariga wadankan maraykanka.
Markii ay goorsheegtadu ahayd 7:10 PM ayaa waxaa soo galay
garoonka oradyahanadii ku tartamayay 3,000 oo uu ka dhex
muuqdo orodyahanka caanka ah ee reer Britain laakiin asal
ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya Mo Farah. Mo Farah oo
si aada loo saadaalainayay inuu ku guulaysanayo tartanka
ayaa waxaa si lama filaaana uga badiyay Gebremeskel oo ka
socday wadanka Ethiopia. Orodkan oo ahaa 15 wareeg ayaa
Gebremeskel wareegee horeba kabta midig ka baxday cagtiisa
laakiin taasi ma aanay ka joojin inuu ku guulaysto orodka.
Mar wax laga weydiiyey Gebremeskel kabta ka dhacday waxa
uu yidhi "aad ayay iigu adkayd inaan ku guuleysto orodka
aniguu ku cararaya kab kaliya". Inta taariikhda la ogyahay
maahan markii ugu horeysay ee ciyaaryahan Ethiopian uu ku
guulaysto orod isagoo cagaagan. 1960 ciyaariihii xagaaga
ee ka dhacay wadanka Italy ayaa orod yahan Abebe Bekele oo
ahaa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee orod maaradoona ku
guulaysta isagoo cagacad.
C/risaaq Fiin
webmaster@ceegaag.com |