Maxkamad ogolaatay in
la maxkamadeeyo S/Guuto Maxamed Cali Samatar
(Virginia,
February 17,
2011 Ceegaag Online)
Raysalwasaarihii ugu
danbeeyay ee dawladii milatariga ee Soomaaliya S/Guuto
Maxamed Cali Samatar ayaa horaanta bisha Maarso lagu
wadaa in ay bilaabanto dhagaysiga maxkamad ay dad rayida oo
dadkooda lagu xasuuqay dagaaldii ay Jabhadii SNM la gashay
dawladii milatariga ee dalka Soomaaliya ka arimiasay
wakhtigaa.
Dacwada ka dhanka ah
Jenaaralka oo ah raga u wadanisanaa dawladaa milatariga ayaa
dadbadan oo siyaasada adorasaa ku fasireen inay tahay mid
aad loo buun buuniyay.
Waatan Taariikhnololeedkii S/Guuto
Maxamed Cali Samatar iyada oo kooban
S/Guud
Max’ed Cali Samatar wuxuu ku dhashay magaalada Yoontooy oo u
dhow magaalada Kismaayo ee gobolka Jubba Hoose, sanadku
markuu ahaa 1931dii, wuxuuna yaraantiisii ku barbaaray nolol
miyi & magaalada u dhaxeysay oo u badneyd magaalooyinka
Yoontooy, Goobweyn, Warkoy & Kismaayo.
Aabihiis Sh. Cali Samatar isaga waxa uu geeriyooday isaga oo
6 bilood jira, waa madi waxaana la dhashay gabdhood,
hooyadii waxay ku geeriyootay horraantii sanadkii
1980-maadkii magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu aasay.
Quraanka wuxuu ku bartay dugsi ku yaalla magaalada Yoontooy,
wuxuuna waxbarashadiisii dhammeystay isaga oo 17 jir ah, ka
dib markii uu dhowr sanadood dhiganayay dugsigaasi waxaa u
suuragashay in turjumbaan u noqdo beeraleydii Talyaaniga
aheyd & shaqaalihii Soomaalida ahaa ee u shaqeynayay.
1948dii waxa uu magaalada Yoontay kaga biiray ururkii
Dhallinyada Soomaaliyeed ee “SYL” ee gobonnimadoonka ahaa,
wuxuu kaalin firfircoon ka galay xubnihii ugu firfircoonaa
ee dhaqdhaqaaqaas, wuxuuna horsed ka ahaa banaanbaxyadii ka
dhacay gobolka Jubbada Hoose.
1949kii wuxuu u soo wareegay magaalada Muqdisho, wuxuuna
bishii November sanadkii 1949kii ka mid noqday askartii
Xiisaanleey la oran jiray wuxuuna ka mid noqday qeybtii
madaafiicda.
Intii uu ciidamada ku jiray ayuu dhammeystay
waxbarashadiisii dugsiga hoose dhexe, wuxuuna alifkii ugu
horreeyay qaatay 1952dii. Max’ed Cali Samatar wuxuu ka mid
ahaa askar uu si gaar ah gumeysigii si gaar ah isha ugu heyn
jiray laguna cadaadin jiray xiriirkii uu la lahaa
dhaqdhaqaaqii gobannimodoonka ahaa.
2dii bishii August sanadkii 1952dii oo ku began markii uu
dagaalka ka dhacay magaalada Kismaayo cutubkii uu ka
tirsanaa waxaa loo diray isaga & dad la sheegay in ay xulafo
la lahaayeenna waxaa loo taxaabay xabsiga, muddadii ay
rabshadaha ka socdeen iyadoo gumeysigii cabsi ka qabay
waddaniyiintii ay garabsiinayeen.
Max’ed Cali Samatar waxaa si gaar looga cabsi qabay sirtii &
mu’aamaradihii gumeysiga ee uu u gudbin jiray xubnaha
ururkii “SYL”. 1952dii tacliintiisii heer sare ayay gaartay,
wuxuuna ku guuleystay imtixaam sarkaalnimo wuxuuna ka mid
noqday saraakiil loo diray dalka Talyaaniga sanadkii
1954tii.
Doorashooyinkii dowladaha hoose “Municipality” ee dalka ka
dhacay 1954tii, Talyaaniga waa ku hungoobay waxaana si
lixaad leh ugu guuleystay ururkii SYL, iyadoo waqtigaas
codka badankiis ay bixiyeen askartii Soomaalida aheyd.
Isla sanadkaas Max’ed Cali Samatar u tagay kulliyadda
“Cessino Di Roma” ee dalka Talyaaniga isla markaana uu
waxbarashadii loo diray soo dhammeystay sanadkii 1956dii,
markaas oo uu qaatay xiddigtii ugu horreysay. Tababarkan oo
loo diray 14 sarkaal oo uu ka mid ahaa Samatar wuxuu noqday
ninkii 1aad, wuxuuna kooxdaas u noqday horjooge.
Markii ay ka soo noqdeen, in kasta oo uu qabay tababar
mileteri, haddana wuxuu ka mid noqday ciidamadii boliiska,
ka dib markii la baabi;iyay ciidamadii uu ka tirsanaa,
wuxuuna tababar 6 bilood ah ka galay dugisga sare ee
boliiska ee magaalada Muqdisho.
Tababarkaas ka dib, Samatar waxaa lagu qoray qeybtii
boliiska ee gobolka Banaadir oo uu waqtigaas taliye ka ahaa
Allaha u naxariistee Max’ed Siyaad Barre, xiriir soke-na
yeesheen..
Sanadku markuu ahaa 1957dii Max’ed Cali Samatar waxaa loo
badalay in uu taliye ka noqdo saldhigyadii boliiska ee
magaalooyinka Baraawe, Golweyn, Jannaale, waxaa sanadkii
xigay ee 1958dii loo soo badalay xafiiska maamulka boliiska
“Personal Office” ee xarunta dhexe isaga oo 2 xiddigle ah.
Aasaaskii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku beegan
sanadkii 1960kii wuxuu ka mid noqday xubnihii salka u dhigay
aasaaskii ciidankaas. Bishii Maajo sanadkii 1960kii oo la
furay dugsiga Xalane wuxuu isaga oo 3 xiddigle ah ka noqday
taliye ku xigeen.
1962dii wuxuu muddi 2 sanadood ah ka shaqeynayay xafiisyada
maamulka xaruntiisa dhexe ee xoogga dalka Soomaaliyeed,
halkaas oo uu ka shaqeynayay muddo ku dhow 2 sanadood.
Dagaalkii dhexmaray dalalka Soomaaliya & Ethiopia sanadkii
1964tii wuxuu abaanduule ka ahaa ciidamadii qeybta Waqooyi.
Dagaalkaas oo Samatar lagu guddoonsiiyay bilad geesi, isaga
oo ciidamadii uu hoggaaminayay dhabar jab & dharbaaxo weyn u
geystay ciidamada cadowga, waxaana mar kale la guddoonsiiyay
bilad maar ah waxaana loo dalacsiiyay darajada G/Dhexe.
Sanadkii 1965tii waxaa loo diray tababar dhinaca ciidamada
ah dalkii la oran jiray Midowgii Sofiyeetka ee “USSR”
halkaas oo uu tababar muddo 2 sano ah ku soo qaatay
Akadeemiyada “Frunzi”.
Markii uu dalka dib ugu soo laabtay waxaa uu madax ka noqday
hoggaankii Cilmi baarista ee ay howshiisuna aheyd
horrumarinta teknolojiyadda ciidamada, isaga oo fulinaya
barnaamijkii la oran jiray “Spiritual Preparation”.
21kii
Oktoobar sanadkii 1969kii G/dhexe Max’ed Cali Samatar wuxuu
ka mid ahaa saraakiishii talada dalka kula wareegtay
inqilaab aan dhiig ku daadan oo uu hoggaaminayay Allaha u
naxariistee madaxweynihii xukuumaddii Kacaanka aheyd S/Gaas
Max’ed Siyaad Barre..
12kii bishii July sanadkii 1970kii waxaa loo magacaabay in
uu noqdo taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,
wuxuuna u dallacay darajada S/Guuto, sanadkii xigay ee
1971dii waxaa loo magacaabay wasiirkii wasaaradda
Gaashaandhigga.
Max’ed Cali Samatar waxaa lagu ammaanaa dadaalka uu ka
sameeyay ciidamada dhexdooda, wuxuuna soo saaray askar
mujuro Soomaalinnimo, aqoon xirfadeed & moral adag oo bir ah
leh, taas oo suurtagal ka dhigtay in askartu ka qeybgalaan
horrumarinta dalka.
Sanadkii 1973dii Max’ed Cali Samatar wuxuu u dallacay
darajada Sarreeye Gaas, sanadkii xigayna wuxuu noqday
guddoomiyihii Golihii Sare ee Kacaanka u qaabilsanaa dhinaca
nabadgelyada.
12kii bishii July sanadkii 1976dii wuxuu u dalacay S/Guud,
wuxuuna xubin ka noqday Golihii Dhexe ee xisbigii
Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ahna madaxweyne ku
xigeenkii 1aad ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya
ahna wasiirkii wasaaradda gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda
Dimoqraadiga Soomaaliya.
Sanadku markii uu ahaa 1977dii S/Guud Max’ed Cali Samatar
wuxuu ahaa sarkaalkii ugu darajada sarreeyay ee
hoggaaminayay dagaalkii ciidamada xoogga dalka ee
Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya ay dagaalka la galay
ciidamadii dowladdii uu hoggaaminayay Col. Mingistu Heylu
Maryame, waxayna ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed ka soo
hoyeen guulo waa waayeen.
Wixii
ka dambeeyay 5tii bishii February sanadkii 1987dii waxaa loo
magacaabay in uu noqdo ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee
ay yeelato dowladdii Kacaanka aheyd, wuxuuna dalka ka dhisay
4 xukuumadood laga soo bilaabo;- .
5tii bishii February sanadkii 1987dii
21dii bishii December sanadkii 1987dii Ra’iisul wasaare
13kii bishii April 1989kii Ra’iisul wasaare
1dii bishii February 1990kii Ra’iisul wasaare.
Dabayaaqadii sanadkii 1990kii wuxuu xilka ku wareejiyay 1dii
bishii September sanadkii 1990kii ra’iisul wasaare Max’ed
Xawaadle Madar.
26kii bishii Jannaayo sanadkii 1991kii la riday dowladdii
ugu waqtiga dheereyd ee soo marta dalka Soomaaliya wuxuu
muddo ku noolaa dalka Talyaaniga wuxuuna ka dib u wareegay
dalka magaalada Virginia ee dalka Mareykanka halkaas oo uu
weli ku nool yahay.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|