SIDEE LOO ABUURAA GANACSI GUULAYSANKARA
Q-8aad
(London, February 25, 2011 Ceegaag Online)
Waa qaybtii 8aad
ee barnaamijkii aynu ugu magac daray sidee loo abuuraa
ganacsi guulaysan kara. Qaybtan waxaan kusoo qaadan doonaa
20 calaamadood oo sabab u noqda guuldarrada ku timaada
ganacsiga, runtii waa wax looga baahan yahay shaqsiyaadka
maamulaya shirkadd in laga taxadiro 20 kan sifo.
Fadlan
haddii aanad la socon barnaamijyaddi hore dib ugu noqo
casharaddii hore si aad u fahamto:
20 qodob oo keeni kara fashilka ganacsi ama shirkadd
1.
Kharash aan loo baahnayn oo la galo (over spending)
Qaladaadka la galo waxaa ka mid ah in aan la isu miisaamin
waxa shirkadda soo galaaya iyo waxaa ka baxaayaa isla
markaana la galo kharashaad badan, tusaale ahaan xafiiska oo
la geliyo kharash badan, maamulka oo iska qorta mushahaaro
badan iwm.
2.
Shaqada oon lahayn nidaam la raacayo (without guiding
principles):
Shirkaddo badan ayaa marka ay bilaamayaan aan lahayn nidaam
la raacayo, kedibna marka ay muddo yar joogaan suuqa ka baxa,
ganacsi kastaa waa ay jiri karaan khaladaad la galaayo
laakiin waa in ay jirtaa sharciyo la raacayo oo haddiiba la
jabiyo la isku ciqaabayo. Waan in shirkadda ama ganacsigu uu
leeyahay sharciyo adag sida saacadaha shaqada la bilaabayo
lagana baxayo, sida ilaalinta tayada alaabta, sida loo
ixtiraamayo macaamiisha, in aan shaqo maanta la qaban lahaa
berito loo dhigin iwm.
3.
Ahmiyadd la’aan (lack of focus):
Waxaa
fashil ku keeni kara ganacsiga in hal mar lawada abuuro
ganacsiyo kala duwan taasina waxay keeni kartaa in wax
waliba qabyo ay kaa noqdaan, dadka ku guulaystay ganacsiga
dhamaantood hal shay ayay marka hore bilaabaan kedib markay
dhamays tiraan ayay shaqaddii ku xigtay qabtaan. Ogow ninka
adduunka ugu taajirsani ( Bill Gates) hal shaqo keliya ayuu
horumarka ku gaadhay. Haddii aad ku guulaysato mashruuca
hore waxaan shaki ku jirin ka kuxigana in aad ku guulaysan
karto.
4.
Aragti iyo ujeedo la’aan (lack of vision and objectives):
Qofka oo
aan ogayn halka uu u socdaa waa dhibka ugu weyn ee soo gaara
qorshe kasta oo la sameeyo. Runtii ganacsigu waxaa lagu
tilmaamaa in uu yahay qof safar gelaaya, safarkaasiina waa
in uu meel ku eeg yahay (destination). Waa in maamulku
lahaadaa aragti cad oo uu beegsanaayo. Haddii aanay aragti
cadi jirin waa Dayaarad iska kacda ayadoon la saadalin
hawadaa lana fiirsho uun khayr iyo shar wixii kasoo baxaba.
Aragti cad la’aantu waxay keentaa in aad yeelan weydo ujeedo
sax ah (goal) isla markaana ganacsigaagu uu dhaafi waayo
garab-rarato. Dad badan oo adduunkan ka noqday dadka ugu
magaca waaweyn lihi waxaa ay ku gaadheen guusha aragti cad
oo ay lahaayeen.
5.
Shirkadda gudaheeda oo khiyaamo ka dhacdo (internal
dishonest activities):
Shaqaalaha shirkaddu haddiiba ay noqdaan dad aan daacad
ahayni waxa si fudud u imaan kara in ay shirkadda lugooyaan,
waana arin sax ah haddiiba hal qof oo maamulka ahi si xun u
fakiraayo in uu lugooyo shirkadda, markaa waa in ay
shaqaalaha iyo maamulkuba noqdaan dad shaqadooda si daacad
ah u gudanaaya.
6.
Kharashaadka suuq-gaynta oo la yareeyo (cutting down
marketing budget):
Mararka
qaar guuldarada shirkaddu waxaa ay ka bilaaban taa marka ay
shirkaddu rabto in ay kharashka yarayso, isla markaana
kharashkii ku bixi lahaa suuq-gaynta (marketing) ay ka
bilowdo kharashaadka la dhimaayo. taasina waa qaladka ugu
weyn ee shirkaddi samayso, waxaa ay ahayd in la kordhiyo
kharashka ku baxaaya suu-gaynta si loo abuuro macaamiil
cusub.
7.
Cabsi ka timaada loollamayaasha (fear of competition):
Adduunyadda waxaa hadda kusoo badanaaya in la lakala koobi
(copy) gareeyo ama lakala xado fikradaha ganacsi. Loollanku
wuxuu keenaa in aad weydo qayb ka mid ah macaamiishaadda
kedibna qaybtii aad suuqa ku lahayd ayaa yaraan karta.
Markaa dad badan oo ganacsi abuura ayaa ka cabsi qaba in
fudud suuqa looga saaro. Qaarna sannadka horaba waa ay
xiraan markay arkaan shirkaddo kale oo suuqa kusoo biiray.
Runtii ganacsiga iyo loollankiisu waa wax jiraaya ilaa inta
adduunyada wax lakala gadanaayo markaa marnaba kama badbaadi
kartid tartan. isku day in aad macaamiishada raali geliso,
fikrado cusub abuurto (innovatives), suuqa aad la socoto
marwalba daraasad cusub samayso (research) isla markaana aad
ilaashato in aan cid kale isticmaalin magaca shirkaddada iyo
summadda shirkadda (trademarks) kana diiwaan geli
shirkaddaha ilaaliya xuquuqaha ganacsiga (patent and
copyright)
8.
Ogaan-sho la’aanta baahida macaamiisha (not knowing the
customer demand):
Waxaa
kale oo guul daro ku keeni kara ganacsigaaga adigoon ogayn
baahida saxda ah ee ay qabaan macaamiishaadu (customers).
Baahida macaamiishu waa ay is badbadashaa markaa waa in aad
waqti fiican galisaa xog-uruurinta xaga suuqa (market
research). Waana arinta keliya ee aad ku ogaan karto baahida
saxda ah waana in aad kharashaad fiican ugu talo gashaa
sidii aad xogta suuqa aad usoo heli lahayd, waxaa kale oo u
baahan in aad la socoto waa sixirka alaabta aad gadayso
waayo qiimaha sare (over pricing) dhib ayuu u keenaa
shirkaddah cusub
9.
Sharciyada dawladda oo is bedela iyo amniga oo xumaada (new
gavernment policy and lack of security):
Isbadalka xaga sharciyadda dawladuhu waa waxyaalaha ugu
muhiimsan ee ganacsiga gaarka loo leeyahay dhib u keena,
tusaale ahaan haddii aad keeni jirtay badeeco oo ay dawladdu
go’aan kasoo saarto in aan badeecadaa la keeni karin si
fudud ayay ganacsigaasi u baabi’I karaa. Amniga oo xumaada
isna wuxuu keeni karaa in ay yaraadaan macaamiishaadu
kedibna ay yaraato faaiidadii aad heli jirtay. Fadlan
marwalba samee saadaal xaga amniga ah oo sugan (security
forecast) waana in aad dhinacyo badan ka fiirisaa siyaasadda
wadanka ee 5 sanno ee soo socda sida uu u ekaan karo.
10.
Ku xirnaasho taliyayaal badan (depending on more advisors):
Waxyaalaha guuldarada keeni kara waxaa ka mid ah ayadoo
shirkaddu badanaa ku xirnaato taliyaayaal badan oo weliba ay
debada ka soo qaadato, waxaa suurto gal ah in ay talooyin
wacan kuu keeni karaan, laakiin maamulka shirkadda ayaa laga
rabaa in ay marka hore ay wararka ay u baahan yihiin soo
dhamays tiraan, wejiyo badan ka eegaan, ka baaraan degaan
samee sawirka xaalada ugu foosha xumi haddii ay timaado
(worst case senario) kedibna wixii warar dheeri ah ay u raad
sadaan dadka aqoonta u leh (advisors).
11.
Hantiilayaal xun oo aad wax isku darsataan (bad business
partners):
Samaynta
ganacsi iskaashato ama shirkaddi wuxuu u baahan yahay in la
hubsado kolba cidda wax lala wadaagaayo amaba lagu soo
daraayo. Waa in hantiilaha shirkaddu uu ogyahay waajibkiisa
gaarka ah iyo ka guudba, waana in uu yahay qof u bisil
iskaashato (partnership), waana in inta aan ganacsiga la
bilaabin loo sheegaa xuquuqdiisa iyo sharciyadda shirkadda.
12.
Maamul liita iyo shaqaalihii saxda ah oon la qorin (poor
management and hiring wrong employees):
maamulku
waa duuliyaha shirkadda (pilot of the business) waa in dadka
loo dhiibayo maamulka lagu xulo aqoon iyo waaya aragnimo,
shirkaddaha maamulka fiican lihi waa ay guulaystaan inta
badan, si ay shirkadda ama ganacsigu u guulaysto waa in
bilow ilaa dhamaad shaqada ay wadaan dad xirfad fiican u leh
(professionals), waana in aan lagu degdegin qorida
shaqaalaha laguna qorin qabiil iyo gobalaysi toona.
13.
Shirkadda oon u diyaar garoobin khatar ama guul-darro (not
ready to take risk):
Badanaa
marka ay ku timaado khatari shirkaddaha waxaa yimaada is
qabqabsi iyo calaacal. Haddii aan marka horaba lagu talo
galin in khatari ama guul daro imaanayso si fudud ayay
shirkaddaasi ku guul daraysataa. Ganacsi kasta oo koraaya
waxaa uu leeyahay khataro ku xeeran. Waa in ay shirkadda u
taalaa haddiiba dhib (risk) yimaaddo sidii loomaarayn lahaa,
waana in aad ogaataa khatar kasta oo timaada waa aqoon kuu
koradhay oo aanad cid kale ka hesheen, ha is dhiibin hore
uga soco guusha waad u dhawaanaysaaye.
Mararka
qaar waxaa dhaca in aqoon la’aantu ay keeni karto in qofku
uu noqdo qof aad u taxadar badan (over cautiousness),
taxadarka badan ee aan qofku ku dhiiranayn heshiiyadda
qaarkood (deal) waxaa ay keeni kartaa in uu qofku fashil uu
ku yimaado. Waa in ganacsiga loo diyaar garoobaa khatar
kasta (risk), waana in aad khatar kasta oo timaada aad
masuuliyadeeda qaadi kartaa noqotaana geesi khatar kasta
qaadi kara (risk taker) si ganacsigaagu ama shirkaddu u
guulaysto.
14.
Goob aan ku habboonayn ganacsiga oo laga furo (wrong
location):
Muraayada ganacsigu waa kolba goobta ama meesha laga furaayo,
marnaba lama tartami kartid shirkaddo kaa meel fiican
(location). Waxaan shaki ku jirin haddii goobta ganacsigu ay
xumaato in ay adag tahay in uu guulaysto ganacsigaasi.
Marwalba muhiimadda waa in lasiiyo goobta laga furaayo iyo
sida ay usoo jiidan karto macaamiisha. Haddii goob fiican
(location) aad hesho waxaa shaki l’aan ah in wax badani kuu
hirgali doonaan. Laakiin lama tartami kartid shirkaddo kaa
meelo fiican.
15.
Aqoon iyo waayo aragnimo la’aan (lack of knowledge and
experience):
Marnaba
kuma guulaysan kartid ganacsi aanad khibrad ama aqoon u
lahayn, haddii aad muddo guulaysatana gebogebadu waa in aad
guul daraysato (failure), si taas aad uga badbaado haddii
aanad aqoon u lahayn shaqaalee dadka aqoonta u leh.
Waxaa la
yiraahdaa guuldarada ganacsiga (business failure) waxaa
keena qofka oo aan aqoon u lahayn waxa uu qabanaayo iyo
shaqaale xirfad leh oo aanad helin.
16.
Deyn aad u xun oo shirkaddu gasho (high debt):
Waxyaalaha ganacsiga guuldareeya waxaa ka mid ah shirkadda
oo deyn ka maqan tahay iyo weliba shirkadda oo hadana deyn
lagu leeyahay. Waa in maamulku ilaaliyaa lacagta naqadka ah
ee shirkadda dhex wareegaysa ama u taala (cash flow). Waa in
nidaamka deyntu uu noqdaa wax waafaqsan waxa kusoo galaya,
waana in la ilaaliyaa lacagta naqadka (cash) ah marwalba si
shirkaddu u sii socoto.
17.
Raasamaal la’aan (lack of capital):
Shaqada
ugu horaysa ee maamulku waa in uu raadiyo lacagta
maalgelinta (capital investment) ku filan shirkadda. Lacagta
raasamaalka oo yaraataa ama maal-gelin fiican oo la wayaaa
waxay si fudud u baabiisaa ganacsiga. Waana in maareeyaha
shirkaddu isku dayo in uu yareeyo deymaha ilaaliyana lacagta
naqadka ah, isla markaana dhimaan dhamaan kharashaadka aan
muhiimka ahayn (unnessessary expenses) waana in uu isku
dayaa in uu deyn kaga qaato badeecdaha loo keenaayo ilaa
inta uu kasoo kabanaayo. Tusaale ahaan haddii lacagta ay
shirkaddu u baahan tahay ay tahay $200.000 lacagta ilaa
hadda la hayaana noqoto $120,000 haddii inta wax la
dhaqaajiyo hadhaw la waayo $80,000 waxay keeni kartaa in
shirkaddu socon weydo.
18.
Badeecadda ama adeega oo kaa kala go’a (insufficient
products or services):
Waaxaa
suurto gal ah in badeecadda ama adeega kaa kala go’o waana
arin badanaa dhacda, ama ciddii aad ka qaadan jirtay oo kaa
joojisa ama isbedel ku yimaado. Marwalba waa in shirkaddu
haysataa shirkadd kale oo badeecadda laga qaato haddiiba tan
hore dhibi ku timaado (back up supplier).
Waana in
marwalba shirkaddu leedahay hal supplier in kabadan, si
haddiiba ay ciladdi ku timaado ka hore ay shirkaddu u heli
karto isla markaaba cid ay ka hesho badeecadda ama addega ay
dayaso.
19.
Go’aan qaldan oo la qaato (wrong decision):
Qaadashadda go’aan qaldani wuxuu si fudud u baabiin karaa
shirkadda ama ganacsiga, waxaa loo baahan yahay markaad
go’aan qaadanayso in aad la tashato dadka shirkadda wax ku
leh, dad xirfad leh iyo weliba in aad dhinacyo badan ka
fiiriso waxaa kasoo bixi kara go’aankaa. Go’aan kasta oo aad
qaadanayso ha ilaabin in aad ISTIKHAARA samayso waayo ALLAAH
ayaa og wixii noo khayr ah iyo wixii shar noogu jiro.
Istikhaarada iyo Tawakalku waa halbowlaha go’aankasta oo la
qaadanayo.
20.
Fidin degdeg ah (swift expansion):
Waxaa
dhacda in shirkaddaha bilowga ahi ay isku dayaan in ay hore
ka kobcaan (rapid expansion) si ay u gaaraan shirkaddaha
sannadada badan soo jiray waana qalad arintaasi dhibna u
keeni karta shirkadda, xooga saar in aad dhisto macaamiil
(customers) isla markaa si fiican umaamul lacagta naqadka ah
ee shirkadda soo galays, kedib shirkaddu ayada ayaa si caadi
ah (organic) ah u koraysa. Haddii aad aragto in aan
shirkaddu sidii la rabay u kobcayn fadlan isku day in aad
samayso daraasad iyo baaritaan buuxa si aad u ogaato sababta
hortaagan koritaanka.
Lasoco qaybta 9aad oo ku saabsan sidee loo sameeyaa daraasad
ganacsi (business feasibility study).
Mustafe
Ibraahim
mustaf1970@hotmail.co.uk
UK
webmaster@ceegaag.com |