Xubno katirsan Qurba
Joogta Yaxye Abdale oo Booqday Goljano kana Bilaabay
Dhismayaal Cusub
(Goljano,
February 19,
2011 Ceegaag Online)
Iyadoo Dhawaan Beesha Yaxye Abdale Magaalo
Cusub oo loogu Magacdaray Goljano ka Hirgaliyeen Deegaanka
inta u dhaxaysa Magaalooyinka Ceegaag iyo Yeyle ayaa
Magaaladaasi Galjano Waxa haatan laga Wadaa Dhimayaal si
Xawli ah Deegaankaasi uga socda oo ay Wadaan Beesha Yaxye
Abdale ee kunool Wadan Gudihiisa iyo Dibadiisa Waxa Beesha
Yaxye Abdale haatan Magaalada Galjano ka Wadaan Hurumar
Balaadhan oo dhinaca Bilicda Deegaankaasi.
Goljano ayaa Dhawaan Waxa Gaadhay Qaarkamid ah Qurba Joogta
Deegaankaasi Galjano u dhashay oo Hogaaminayey Yuusuf
Maxamed Jaamac iyo Qaarkamid ah Waxgaradka Cuqaasha
Ganacsatada Beesha oo Wafti Balaadhan ku tagay Magaalada
Cusub ee Galjano, kana Bilaabay abaabul Balaadhan oo dhinaca
dhismaha iyo Bilicda Magaalada Cusub ee Goljano oo ku taala
Goob aad u istaraaji ah una dhaxaysa Gobolada Sool iyo Cayn
Isla Markaana Dhinaca Waqooyiga ka Xigta Magaalada Burco ee
Xarunta Gobolka Togdheer.
Yuusuf Maxamed Jamac oo kamid ah Qurba Joogta Deegaanka
Galjano ayaa ka Codsatay Xubnaha kale ee Qurbaha Jiray inay
ka Qayb Qaataan Hurumarka Dhismayaasha haatan laga Wado
Deegaankaasi Galjano oo ah Magaalo Istaraaji ah, Waxgaradka
Beesha yaxye Abdale ayaana haatan ku Mashquulsan sidii
Magaaladaasi Galjano Kor Loogu Qaadi lahaa Waxa haatan laga
Hirgaliyey Guriyo Farabadan iyo Misaajid aad u Wayn.
Daawo
Goljano
webmaster@ceegaag.com
|