(Somalia,
February 20,
2011 Ceegaag Online)
Garashada
gurracani waxay somalida geyeysiisay guul-darrooyin fara
badan, waxaana meesha ka baxay oo gebi-ahaan ba lumay
halbeegii iyo miisaankii xumaha iyo samaha lagu kala sooci
jiray, halbeegga keliya ee umadeenu ku tiirsan tahay wuxu
noqday reerka iyo beesha. Sidaas darteed ayaan qormadan
gaaban ugu doortay cinwaankan ( YAA INOOGU JIRA) Ujeedadu
waxay daarran tahay inaan iftiimiyo qaybo yar oo ka mid
dhibatoyinka inaga haysta dhanka halbeegga waxaynu rabno.
Maadaama
somalida shirar badan loo qabtay labaatankii sano ee u
danbeeyey inta badan qormadeenu waxay xidhiidh dhow la
yeelan doontaa qaababka somalidu shirarka ula-falgashay iyo
siday u dhigtay waxyaaabaha ay higsanayns iyo himilooyinka
yoolka mustaqbalkeeda.
Dabcan sidaan
la socono somalida meelo kale oo ka baxsan dalkeeda ayey
inta badan taladeedu ka timaadaa taasna
keli kuma ahee waxay la qabtaa africaanka intiisa badan
sidaas darteed shucuubta africanka ah waxaa mararka qaar
lagu magcaabaa ( la haystayaasha- xorta ah) cajiib waa lamo
eray oo aa isu kaa qabanayn hadaad isla doonto.
Dadkaas
talada gacan ku rimiska ah usoo dhoofiya somalida qorsha
yaashooda waxay u
dirsadaan dad ay kasoo baaraan degeen in badan hubaana inay
yihiin kuwo
caynaan jilicsan oo haa mooyee mayadu ay ku adagtahay..
Waxaan hubaa
hadii ay qolyahas Somalida u arimiyaa ku dhawaaqaan inay
doonayaan talada somalida inay u dhiibaan dad dhaqan ahaan
iyo diin ahaan iyo damiir ahaan ba ka weecday wadada saxda
ah inay qabaa’ilka somalidu u tartami lahaayeen siday hab
beeleed ugu qaybsan lahaayeen dadka noocaas ah! waa taan
qormadan ugu wanqalay yaa inoogu jira su’aasha
keliya ee la is warsadaa waxay noqon lahayd uun dadka
dhexdiisa inaga reer hebel ah yaa inoogu jira iyadoo aan la
is weydiin dadka noocaas ahi ma geyaan taladeena iyo turxaan
bixinta arimeheena sababtoo ah waxaa lumay halbeegyadii
umadeed sidaan horay ba usoo sheegay !!!!!!!.
TUSAALE-YAAL.
Dadka
dhaqan-guurku ku dhacay dhawr nooc bay isugu jiri karaan,
kuwo diintii tuuray baa laga heli karaa kuwo dhaqankii iyo
afkii ka lumay baa ku jira !!
Tusaalayaasha
aan rabo inaan ka bixiyo dadkii ay dhici karta hadii
somalida talo loogu dhiibay inay beelo ku qaybsan lahaayeen
waxa ka mid ah.
1: GAYS {
homosexual society khaniisiin)
waa dadka dhaqankii toosnaa iyo
diintii intuba ka habaabay, marka waxaan is leeyahay hadii
reer galbeedku maanta dhihi lahaayeen somalida waxaan rabnaa
inaan u dhiibto dadkaas cidkalena uma ogolin talada in la
heli lahaa Somali badan oo ku fekeraya war kolay taladii
halkaas ayey maanta gashaye inaga hadaan nahay reer hebel
yaa inoogu jira qoladaas oo xaqeena inoo dhicin kara.
Sababtoo ah
waatay somalidu horeba ugu maah-maahday
belo belo u lahaw iyo ninkii doqonkiisa tuura nin doqonkiisa
wadaa dila waxay
kaloo dheheen ilaahow cid ciilkana naga bi’isa cadaabkana
naga xigsata hanoo waayin!!! Waxay tusinaysaa arintaasi
heerta uu gaadhsiisan yahay jaah-wareerku.
2:
CHRISTIAN: ( MASIIXIYIIN) : Somalidu waa dad Islaam ah
intooda badan umana cuntamaan waxaan ka ahayn islamka ay
rumaysan yihiin, inkastoo ay jiraan wakhtiyadii burburka ee
la kala bay-hoofay dadka diintii ka baxay oo qaatay una
xuub-siibtay diimo kale sida kiristaanka (ninka duday
distoorkiyo waxyiga diinti ka carawye) taana malaha
waxaa cadayn weyn u noqon kara shirkii somalida loogu qabtay
Kenya markii baarlamaanka la xulayey ayaa waxaa madashii
lagu arkay raga sheegtay inay yihiin (Somali cheristian
minority ) (Somalida kiristaanka ah ee laga tirada badan
yahay) waxayna ku gor-gortameen in baarlamaanka laga
saami-geliyo iyagoo aan reero ka socone lagu tixgeliyo
diintaas ay sheegteen inay aaminsan yihiin.
Marka la
qiimeeyo sida dadku xilalka beenta ugu suxul duubayo ee loo
kala hororsanayo ay kursiga iyo xilku galo halkaas aan
sheegay waxaa meesha iman lahayd su’aal beeleedii ahayd
horta yaa inaga inoogu jira qoladaas majaraha u haysa
maamulka dalka, iyadoo aan cidina daryeelin caqiidadii iyo
diintii ummadu lahayd iyo mabaa di’dii lagu abtirsanayey
dabcan waa cayn-wareeg ina haleelay meel halis ahna inala
maraya.
3:
WARLORDS: Sidoo kale qab-qablayaal, jirri, mooryaan,
dayday iyo derbi-jiifyo haday inoo keenaan reer galbeedku
iyagana la caleemo saaro, cid kaloo dhana laga
cuna-qabateeyo madaxnimada, shaki badani kuma jiro in dib
loo baadhi lahaa buugga ay reer walba ugu qoran yihiin
raggaasi si loo heli cid buuxisa booskaas banana baahida
beeshana u daboosha, malaha waxaa la dhihi karaa waa tan ugu
sahlan mooryaanta iyo jirridu waayo somalida awelba horay
ugu jireen kuwani kumaba cusba..
4: HAWEEN:
dumarku waa qayb muhiim ah oo bulshada ka mid ah ahna runtii
tiir-dhexaadna umadeeda iyo baraha kowaad ee qofka
bini-aadamka ahi leeyahay, laakiin aduunka kama jirto umad
dhan oo haween keliya maamulaan ragguna aanu qayb ku lahayn
qorshaha dalka.
Gabdheheena
hadii talada laynoogu dhiibo kolayba waynu u tartami lahayn,
sidii qolyihii hore ayuun baana loogu qori tuuran lahaa,
sababtoo ah kuwii hore oo iyoagu xumaan tilmaanaa ayaan ba
reero ku qaybsanee dumarku maxay qabaan waa waxba!!.
Waxaan is leeyahay
hadday reer galbeedku go’aanadaas aan sadaaliyey dhaqan
gelin lahaayeen cid waliba marag iyo markhaanti ayey ka
noqon lahayd waxyaalaha aan odorosahy, waxaan la’ arki lahaa
iyadoo qabiil waliba leeyahay “Rag xumo wax kuma yeeshee
yaan rag la’aan ku dilin” qaar kalena leeyihiin “ kab xume
ma hadhee kab laawaa hadha” hadiiba aan leenahay rag
jagooyinkaas noo qabta guul ayaan taaganahay waxayse darraan
lahayd inagoo aan heli Karin raggaas iskana wayna maanta dad
inoo qabta boos-beeleedka siyaasadeed ee aan xaqqa u
leenahay.
GUNAANAD.
Waxaan kusoo
geba-gebaynayaa qormadan gaaban, qofkasta oo Somali ah lana
socda waayaha dalku marayo waxaan leeyahay: arimahaas aan
sheegay maka suurtoobaan somalida mise anigaa
mindi-roorteeyey ( la deg-degay) arinta ee waxaan nahay
bulsho kala garan karta waxa u dan ah iyo dac-darrooyinka
soo food saari kara, Aniga fahankaygu wuxuu I
siiyey in laynaga heli karo dad adeegsada halbeegyada
noocaas oo kale ah, waxa ugu weyn ee ay higsadaana tahay
yeydaan qadin wixi kaleba yeelkeeda !! waxay rabaan ay
dhex-taal u tahay maah-maahda ah “meel ama ka muuqo ama ka
maqnow”
W/Q: Aadan Cige
Cali
Email: softhair05@hotmail.com
Xasuusin:
Fikrada
Dadweynaha mas’uul kama aha Shabakada Ceegaag online
ee Mas’uuliyadeeda waxay saran tahay Shaqsiga soo qora
Fikirkiisa.
webmaster@ceegaag.com
|