SHIRWEYNAHA LIXAAD SOMALI AMERICAN UNITED COUNCIL AZ
Waxaa
maanta oo ay tariikhdu tahay 1da Jan. 2011 lagu qabtay
xarunta Ururka Somali American United Council - Magalaweynta
FINIX ee Dawlad Goboleedka Arizona SHIRWEYNAHA LIXAAD ee
Ururka Somali Ametican United Council ee Arizona, iyadoo ay
kasoo qayb galeen dhammaan xubnaha iyo tageerayaasha Ururkan.
Waxaa
kulankaas lagu gunaanaday xaflad si heer sare ah losoo
agaasimay, si habsami lehna loo habmaamusay, loona
daadihiyay. Kulankaas waxaa si habsami leh loogu falanqeeyay,
laguna qiimeeyay waxqabadka ururka ee sannadka 2010 iyo
qorshe-hawleedka sannadka 2011.
Isla
kulankaas waxaa lagu doortay hoggaanka iyo Hawlwadeennada
Ururka ee sannadka 2011. Kulankaas qiimaha iyo qaayaha weyn,
doorashada xalaasha ah iyo xaflada habmaamuusan waxaa si
heer sare ah ku maamulayey, kuna daadihinayey Guddoomiyaha
Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Lixaad ee SAUC-AZ Mudane
Saciid Maxamud Adam iyo xubnaha guddigiisa. Waxaana aayado
quraan ah ku furay kulankaas Sheikh Axmad Yusuf, waxaana
wacdi, gabay iyo ducaba kusoo bandhigay Baaba Sayid iyo
Sheikh Hassan Garam-Garam.
Ugu
dambeyntii wuxuu Guddoomiyuhu halkaas kusoo bandhigay
natiijada doorashada oo si xilkasnimo iyo habsami ku
dheehan-tahay u fushay xubnaha ku guuleystay kalsoonida iyo
doorashada Ururka oo kala ah: Prof. Maxamad Cali Abukar,
waxaa loo doortay Madaxweynaha Golaha iyo Masuulka Maamulka
Guud ee Ururka, waxaana Kaalinaya Mudane Saciid Maxamud Adam
iyo Cabdullahi Salaad. Waxaa kaloo Guddoomiyaha Guddiga
Goaaminta loo xushay Marwo Shacni Cumar Cali, waxaana
kaalinaya Cali Shekheey (Shariif) oo kuxigeen ah iyo 7
xubnood oo ay ka mid yihiin laba Garyaqaan ee Degaanka looga
riyaaqay oo kala ah: Melody Harmon iyo Jack Salvatore.
Ugu
dambeyntii waxaa aad loogu riyaaqay Maamulka toosan,
nidaamka haboon ee Ururku ku dhaqmayo, iyo adeega suuban oo
ay Somali American United Council ee Arizona ku takuleeyso
Jaaliyada iyo bulshaweynta Somali-American ee Arizona deggan.