SIDEE LOO ABUURAA GANACSI GUULAYSANKARA
(Soomaaliya,
January 08,
2011 Ceegaag Online)
Waxaan
halkan idiinku soo gudbin doonaa barnaamijyo taxane ah oo ay
kamid ahaan doonaan:
·
Side loo abuuraa ganacsi
·
Side loo kobciyaa ganacsi
·
Maxaa keenaa in ganacsi guulasyto
·
Maxaa keena in ganacsi uu guul daraysto
·
Shirkadaha guulaystay ee dunnida iyo sababaha ay ku
guulaysteen
·
Shirkaddaha guul-daraystay ee adduunka iyo sababaha ay ku
guul-daraysteen
·
Side lagu noqon karaa maamul ganacsade fiican
·
Waxaanu samayn doonaa dhawr shirkaddood oo tusaale aanu usoo
qaadan doono, si dadku u fahmaan waxaanu ka hadlayno.
SIDEE LOO ABUURAA GANACSI (how to create a
business):
Marka
hore waxaa habboon in aan qeexno sua’aasha ah waa maxay
ganacsi?
Waxaa
jiri kara qeexido badan waxaan se kusoo gaabsanaynaa ganacsi
waa gedis ama isweydaarsi badeeco ama adeeg dhex mara laba
qof iyo wax kabadan.
Waxyaalaha ugu horeeya ee loo baahan yahay si loo abuuro
shirkadd guulaysata waxaa kamid ah in lasameeyo nidaam
ganacsi oo afka qalaad lagu yidhaa Business Planning. Waxa
aynu halkan ku faahfaahin doonaa waa maxay nidaaminta
ganacisgu (business plan):
I . Qorshaynta ganacsiga (Business Planning):
Nidaamka
ganacsi inkasta oo uu leeyahay qeexido badan hadana waxaynu
kusoo koobi karaa waa qoraal nidaamsan oo lagu qeexay laguna
soo koobay ujeedooyinka ama marxaladaha ay marayso shirkadda
cusub oo laga raadinaayo faaiido. taas oo noqonkarta nooca
ay tahay shirkaddu iyo waxa ay qabanayso (general company
description), waxa ay higsanayso (vision), ujeedooyinka
shirkadda (objectives), nidaamka suuq geynta (marketing
strategy), saadaasha iibka (sales forecast), nidaamka
shaqada iyo shaqaalaha ( management and organisation),
Loollanka shirkaddaha kale (competition), meesha lagu
qabanaayo shaqada (location), nidaaminta maaliyaddeed
(financial plan).
Hada
waxa aynu halkan ku soo qaadan doonaa mid mid waxyaalaha
aynu kor kusoo xusnay:
Qoraalkani waxa uu ka kooban yahay (Table of Contents)...................................................................................................
II. Soo
koobid shaqada (Executive
Summary)...............................................................................................
III.
Qeexid guud ee shirkadda (General Company Description)...........................................................................
IV.
Badeecadda iyo adeegyada (Products and Services)...........................................................................................
V.
Nidaamka suuq-geynta(Marketing Plan)......................................................................................................
VI.
Qorshaha shaqo-fulinta (Operational Plan)..................................................................................................
VII.
Maaraynta maamulka iyo habayntiisa (Management and
Organization).........................................................................
VIII.
Cadayn maaliyadda gaarka loo leeyahay (Personal Financial
Statement).............................................................................
IX.
Kharashka bilowga iyo Raasamaalka (Startup Expenses and
Capitalization)................................................................
X.
Nidaamka maaliyadeed (Financial Plan).......................................................................................................
II. Executive
summary (shaqada shirkadda oo kooban):
Executive summary: waa qaybta ugu horaysa ee lagu qoraayo
qorshaha shirkadda (business plan) taaso oo macnaheedu
yahay in aad si kooban u sharaxdo waxa aad qabanyso waxa uu
yahay, cida macmiisha kuu noqonaysa, cidda leh shirkadda,
nooca ganacsiga aad samaynayso iyo dhamaan mustaqbalka
shirkadda.
Halkani
waa halka aad ku sheegayso nooca shirkaddani tahay sida
haddii uu yahay shirkadd qof keligii leeyahay (sole
proprietorship), is-kaashato (partnership) oo ah shirkadd ay
wada leeyihiin laba qof ama in kabadan oo gala heshiis
ujeedadooduna ay tahay in ay wadaagaan faa’iido iyo
khasaaraba wixii ku yimaada shirkadda, Private Limited
company oo iyana ah shirkadd leh saami wadaagayaal
(shareholders) waana shirkad ay xadayso shares-ka, taasoo
lagu qeexo shirkadd aan usoo bandhigin saamiyadeeda
dadweynaha si ka duwan sida public limited companies.
Fadlan
ka dhig qaybtan hore wax la fahmi karo oo kooban oo si
xirfadleh loo sameeyay, waayo waa muraayadda shirkadda.
III. sifada guud ee shirkadda (General
company description)
Halkan
waxaad ku sheegtaa nooca ganacsiga aad gelayso, iyo waxaad
samaynayso.
Halkan
inta badan shirkadduhu waxa ay ku sharraxaan sababta ay u
samaynyaan shirkaddan iyo nidaamka ay raacayaan. Taas oo ay
badanaa raaciyaan waxyaalaha ay shirkaddu higsanayso
(company goals), halkee ayaad rabtaa in aad shirkadda ka
samayso? Yaa aad rabtaa in aad wax ka iibiso, mustaqbalka
dhaw iyo ka fog sidee kuula muuqdaa in aad u guulaysan karto?
Dhinacee ayaad ku xooganan kartaa dhinacee ayaad se ku
liidan kartaa? Maxaa shirkadda guulayn kara? Maxay
shirkaddaha kula loollamayaa kaaga sarayn karaan? Maxaa
khibrad ah ama xirfad ah ee aad kusoo kordhin kartaa
shirkadda?
Haddii
ay shirkaddu tahay shirkadd qof keligii leeyahay (sole
proprietorship), ama shirkadd ay wada leeyihiin laba qof ama
in kabadan oo gala heshiis ujeedadooduna ay tahay in ay
wadaagaan faa’iido iyo khasaaraba wixii ku yimaada shirkadda
(partnership), Private Limited company oo iyana ah shirkadd
leh saami wadaagayaal (shareholders) maxaad ku dooratay
nooca shirkaddan?
*Fadlan ogow gadaal ayaanu wax walba ku faah
faafin doona
IV. Products and services: (badeecadaha ama
adeegyada)
Halkan
waxaa si qoto dheer loogu qorayaa badeecada ama adeega aad
gadayso waxa uu yahay kedibna waxad sheegaysaa waxyaalaha ku
saacidi kara in aad badeecaada ama adeega ku guulaysato,
tusaale ahaan tayada waxa aad gadayso (quality), qiimaha aad
ku gadayso (pricing) etc.
V. Marketing Plan (nidaamka suuq-geynta)
Si
kastaba ha u fiicnaato badeecadaadu ama adeegaagu waa ay
adag tahay sida ay u guulaysto shirkadd aan lahyn nidaam
hufan oo suuqgayneed (effective marketing plan). Halkani waa
halka u baahan in aad looga taxadiro, si fiicana looga
baaraan dego. Aad ayay khatar u tahay in si fudud loo yidhaa
waan ogahay sida suuquu uu noqon doono. Waxa ay shirkadd ama
qof waliba oo ganacsi samaynayaa u baahan yahay in uu
sameeyo daraasad suuq-xog uruurin (market research).
Waxaa
jira laba nooc oo loo sameeyo daraasadaha xog uruurinta
suuqa (market research):
Daraasada koowaad (Primary research) macnaheedu waa in aad
adigu si toos ah warbixinta usoo uruursato, adiga oo
lakulmaaya dadka, booqanaya shirkadaha sameeya ganacsigaaga
oo kale, eegaaya goobaha ku haboon, laakiin waxa suurto gal
ah in uu kharash badan kaaga baxo daraasadan.
Daraasadda labaad (Secondary research) macnaheedu waa in aad
fiiriso daabacadaha wararka laga helo sida majaladaha ay
leeyihiin shirkaduha ama warshaduhu, joornaalada,
wargaysyada. Waxaana wararkan inta badan laga heli karaa
matabadaha lagu kaydiyo buugaagta, rugta ganacsiga iyo
meelaha dawladaha. Waxaa kale oo jira warbixino ku jira
mareegaha internet ka (websites).
Nidaamka
suuq-gaynta hanoqodo mid shay gaar ah la raadinaayo, loona
raadinayo sida ugu macquulsan (specific and possible), samee
tiro koob, tirooyin iyo meesha saxda ah ee wax kasoo
bilaamaan (sources).
Lasoco qaybta labaad
Mustafe Ibraahim
mustaf1970@hotmail.co.uk
Uk.
webmaster@ceegaag.com |